4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Sawir qaade lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Sawir qaade ka tirsanaa TV SBS xaruntiisa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Khaasim Imaan ayaa waxaa gallinkii danbe ee maanta toogasho ku dilay askari tirsan ciidamada dowladda degmada Waaberi.

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa siweyn u cambaareeyay dilka suxufigan oo marka laga soot ago xerfada Kaamirada sidoo kale ahaa farsame yaqaan.

Agaasimaha TV uu ka tirsanaa suxufigan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Dhaqane ayaa sheegay in uusan garaneynin sabab keeni karta dilka qof rayid ah oo aan hubeysneyn ama xitaa aan wax danbi ah ku lug laheyn, isaga oo ka dalbday dowladda Soomaaliya sharciga la horkeeno askarigii ka danbeeyay dilka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo laamaha Amniga ay ka soo saareen warka ku saabsan askariga dilay Wariyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]