4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Warbixin –Shaki laga qabo in xujeyda Soomaaliya sanadkan ka baaqdaan Xajka

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Khilaafka ka taagan arrimaha Xajka ee ku saleysan qaadista xujeyda Soomaalida ee doonaya in ay sanadkan soo xajiyaan, ayaa u muuqda mid mugdi sii galinaya rajadii Kumannaan Kun oo Soomaali ah ka qabeen in ay ka mid noqdaan malaayiinta muslimiinta ah ee gudanaya waajibaadka xajka.

Bishan July dhamadkeeda ayeey aheyd sidii horey-ba looga bartay Shirkadaha  in la bilaabo qaadista dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay ka xajiyaan gudaha dalka, hasse ahaatee warar xog-ogaal ah oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in hadda arintaasi muuqan.

Sababaha ugu weyn ee dib u dhacan keenay ayaa lagu sheegay muran soo kala dhax-galay dowladdaha Sacuudiga iyo Soomaalida oo isku khilaafay shirkaddaha xujeyda ka daabulaya Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku kordhisay saddex shirkadood kuwii horay looga bartay in ay sanad walba xiligan oo kale dalka Sacuudiga u qaadaan xujeyda.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay oga-shahay oo kaliya in ay dalkeeda soo gaarsiiyaan dadka ka soo xajinaya gudaha dalka Soomaaliya shirkaddaha kala ah Jubba Arweys, iyo Daallo oo muddo dheer-ba ku guda-jiray arrimahan.

Hasse ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku soo dartay in ay ka qeyb-qaataan qaadista xujeyda saddex sharkadood oo kala ah Ocean Airline, African Express, Freedom Airline, arintaa oo ay siweyn uga biyo diiday dowladda Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gaar ahaan wasaaradda Arr Diinta iyo Aw-Qaafta oo xalinta arintan dardeed u tagay dalka Sacuudiga ayaa wali wax ka war ka soo saarin haddii uu jiro is afgarad laga gaaray is-mari-waaga ka taagan dhinaca shirkaddaha.

Sidoo kale waxaa arintan walaac weyn ka muujiyay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo sheegay in arrintan ay u muuqato mid marka danbe keeni karta in sanadka xujeyda Soomaalida tagin aysan soo xajin.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa wali dhinacooda wax war ka soo saarin khilaafkan taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]