4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday xubin ka tirsanaa Ururka Daacish

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciiamada qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xusseen Xasan Nuuni oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.

Eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni ayaa ka soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraha Qandala oo dhexmaray maamul gobolleedka Puntland iyo kooxda argagixisada Daacish oo uu ka tirsanaa.

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo.

Ciidamada Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidamada daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi daa’im, waxaa ay-na maxkamaddu intaasi raacisay in cidii ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]