4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Hargeysa:Warshaddii Furaashyadda oo xalay qaybo ka mid ahi gubatay


Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Warshaddii Furaash-yadda ee Hargeysa ku taalla ayaa xallay xili dambe dab ka qarxay,inkastoo aanu khasaare badan soo gaadhin cidna waxba ku noqon.

Warshadan Fuuraashadda oo ku taalla koonfurta magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Maxamed Mooge ayaa xalay habeen badhkii dab ka qarxay ay qaybo ka mid ahi gubatay, wallow aanu gaadhin qaybta warshadda.

Ciidamada Dam-damiska iyo ciidanka Booliska ayaaa gurmad balaadhan u fidiyey, waxaanu taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland Axmed Sawaaxili sheegay inay dagaal ay la galeen dabka ay ka badbaadiyeen inuu sii fidiyo,isla markaana aanu gaadhin qalabkii muhiimka ah, inkastoo qaybta kaydka ama alaabta la dhigaakhasaare soo gaadhay.

“Warshadda Furaashadda waxa ka kacay dab, waxaana sii caawiyey inuu dabku sii bato kimikadda laga sameeyo Furaashadda, waxaanu nimid dabkii oo aad sii badanaya, nasiib wanaaag lix meelood baanu ka soo weerarnay, sidaas ayaanu ku bakhtiinay, warshadii waxba may noqon, intii alaabta la dhigayey uun baa gubatay”ayuu yidhi taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland Sawaaxili.

Madaxda warshaddan ayaa sheegay in inta badan la badbaadiyey warshadda marka laga reebo wax soo saarkii shalay oo u badan inta gubatay, waxaanay sheegeen inay hore laba jeer oo kale warshadu gubatay oo ay ku shuf beeshay.

Warshadan waa markii labaad ee gubatay, iyadoo wakhtiyaadaasi aanay jirin dab-damis u gurmadda., haseyeeshee xalay la badbaadiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.