Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Waxaa soo baxaya
eedeymo ay u jeedinayaan ciidamada Kenya qoysaska 46 ruux oo lagu la’yahay howlgalo ciidamada ka
sameeyeen gobolka xeebta ah oo lagu baacsanayay kooxo ka tirsan Argagixisada
iyo burcad.
Xarun u doodda Xuquuqda Aadanaha oo lagu mgacaabo
Haki Afrika ayaa sheegtay in dadka la
la’yahay, ay kasoo jeedaan Lix degaan oo ka mid ah gobolka xeebta, kuwaasoo
laga yaabo iney Af-duubteen Laamaha ammaanka Kenya.
Laakiin saraakiisha ciidamada Kenya ayaa
eedeymahan iska difaacay iyaga oo sheegay in ciidamadu mar walba u taagan
yihiin difaaca dadka iyo hantidooda, taa badalkeedana aysan ku dhaqaaaqi karin
arrimo ka soo horjeeda.
Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa marar kala
duwan lagu eedeeyay in ay dilal qarsoodi ah ka sameeyaan gobollada xeebta iyo
Waqooyi Bari, iyagoo ku eedeeya in a yihiin gacan-saar dhow la leeyihiin ama ka
tirsan yihiin kooxaha Argagixisada.
Kenya waxaa howlgalo ka fuliya kooxo ay ka mid
yihiin Al-shabaab, waxaana taa badalkeeda ay ciidamadu qaadaan howlgalo ay ku
baacsanayaan kooxaha weerarka soo qaaday, inta ay howlgaladaa socdaan-na waxaa
jira dad la waayo oo eheladooda aysan meel-na ku sheegin, laakiin marka danbe
siyaabo kala duwan loo helo warka ku saabsan geeriyooda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]