4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Tababar ka dhan ahaa Gudniinka Fircooniga oo culima’udiin iyo Wariyayaal loogu soo xiray Muqdisho


Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) – Tababarkan ama Aqoon-is-Weydaarsigan oo ay ka qeyb-gallaan Warbaahinta Dowliga ah, kuwa madax-bannaan iyo culima’uudiin lagu-na baranayay habka wacyi-galinta iyo ka hortaga gudniinka Fircooniga ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guulleed oo soo xiray tababarkan ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka dhaqanka haraadiga ah ee haweenka Soomaaliyeed u gaysta dhaawacyada Muuqda iyo kuwa dhanka maskaxda ah.

Aqoon-siweydaarsigan oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen hay’adda Ifrah Foundation, Global Media Campaign, Unicef, Save the Children, UNFPA, iyo Wasaaraddaha Arr Diinta iyo Warfaafinta ayaa ugu danbeyntii waxaa ka soo baxay qodobadan :

1 :- In si wada jir ah loo cambaareeyo ficilada xadgudubyada gudniinka Gabdhaha Soomaaliyeed, uguna baaqeen bulshada Soomaaliyeed joojinta tacadiyada lagula kacayo hablaha.

2 :-In Culima’du sii xoojiyaan wac-yigalinta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinkan la xiriira gudniinka, iyadoo loo sii marayo gaarsiinta bulshada qatarta ka iman karta.

3 :- Culima’du waxaa ay isku raaceen in la aas aaso guddi gaar ah oo ka tirsan culima’udiinka Soomaaliyeed oo u taagan ka hortaga ficiladan foosha xun.

4:- Ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in Warbaahintu door muhiim ah oo muuqata ka cayaarto sidii loo difaaci lahaa xuquuqda gabdhaha iyo in aan jir ahaan lagu xadgudubin, iyaga oo dhinaca kalana kaashanaya culimaada.

5:- Ugu danbeyntii ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in hal cod laga yeesho arintan ku saabsan gudniinka Gadhaha.

Ifraax Axmed, aasaasaha Mu’asasada Ifraax (Ifrah Foundation) oo aqoon is-waydaarsiga soo qaban-qaabisay ayaa sheegtay in sababta tababarka ay ugu doorteen culimada iyo warbaahinta ay ahayd in ay ka abbaaraan bulshada meesha ugu mihiimsan ee fududayn karta wacyi gelinta si bulshada loogu baraarujiyo dhibaatooyinka laga dhaxlo gudniinka gabdhaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]