4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Beeralleyda dalka Mareykanka heli doona lacag dhan 12 bilyan oo dollar

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) – Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.

Xoghayaha labaad ee dhinaca warfaafinta Aqalka Cad, Hogan Gidley ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu sameyn doono wax walba oo uu ku difaacayo beeraleyda.

Kaalmadani lagu barataarayo beeraleyda ayaa waxaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday Waaxda Beeraha Mareykanka.

Waxay kusoo aadday xilli la filayo in wax soo saarka Mareykanka ay dhaawacdo canshuuro aargudasho ah oo ay kusoo rogeen dalalki uu wax-soosaarkooda dhawaan maamulka madaxweyne Trump dul-dhigay canshuur kordhin badan.

Beeralleyda Mareykanka ayaa la saadaalinayaa in ay khasaari doonaan malaayiin dollar.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in tacriifta ay shirkadaha iyo beeraleyda Mareykanka ee wax-soosaarkooda dibadda u dhoofiya ay la kulmi doonaan khasaarro aan badneyd, marka loo barbardhigo faa’iidada ay sugayaan mustaqbalka ee kaga imaneysa canshuur kordhinta ay duldhigeen shirkadaha ajnabiga.

VOA