Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo soo saaray xeer lagu dhisayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG uu abuurayo guddiga dhaqaalaha Qaranka.
Xeerkan oo ku
taaariikheysan in uu soo baxay 12kii bishan July waxaa lagu faafiyay qaab
dhismeedka uu noqonayo guddiga Dhaqaalaha Qaranka.
Guddigan ama golaha
ayaa la sheegay in ay noqon doonaan kuwo kala taliya dowladda arrimaha la
xiriira siyaasada Dhaqaalaha iyo Maaliyadeed ee dalka.
Golaha ayaa la
sheegay in uu ka koobnaan doono guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda
xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Madaxda dowlad gobolleedyada
iyo Ilaa iyo Shan xubnood oo la sheegay in ay noqon doonaan La taliyayaal lagu soo
xushay aqoontooda.,
Golahan ayeey shaqadiisu noqon doonta oo kaliya in uu dowladda kala taliyo
Dhaqaalaha iyo diyaarinta Istiraatijiyada Dhaqaalaha iyo Siyaasada Maaliyadeed
ee dalka.
Qodobada uu gaar
ahaan kala talin doono dowladda ayaa lagu sheegay 1:-Sidda ugu Haboon ee loo
hanan karo himilooyinka Dhaqaale iyo Siyaasada Maaliyada 2:-Waxaa uu kala saari doonaa shuruucda Arrimaha
Federaalka ee la xiriira Dhaqaalaha iyo Kheyraadka dalka, 3:-Waxaa uu dowladda ka caawin doonaa
guddigan u hogaansanaanta qawaaniinta gudaha iyo dibeda e la xiriira arrimaha
Dhaqaalaha.
Qoraalka waxaa ku
saxiixan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]