4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Duqeyn diyaaradeed oo xalay fiidkii ka dhacday deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) –Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor inta aysan maqal jugta gandaallada ay deegaanka dul mareen waa sida ay hadalka u dhigeen diyaarado dagaal, kuwaa oo u muuqday in ay bartilmaameedsanayeen xoogagga Al-shabaab oo deegaanka isaga baxay ka hor inta aysan diyaaraduhu weerarin.

Al-shabaab ayaa ku dhawaad Labo saacadood ku sugnaa gudaha deegaanka Qalimoowka hor inta aysan isaga bixin xalay fiidkii, iyaga oo dadka deegaanka ku war-galiyay in aysan wax macaamil ah la yeelan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka ka jira.

Deegaankan Qalimoow 30km ayuu degmada Balcad ka xigaa dhinaca magaalada Jowhar, waxaana ku dhaqan dad u badan xoolo dhaqato, waana marin isku xira labada degmo ee Jowhar iyo Balcad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]