3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Bandow lagu soo rogay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xir xiran xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadinaya.

Horay maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xiray Jeelkan oo ahaa ugu ballaaran oo ay ku xir-xirnaayeen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xiriirka-na la leh Ururrada mucaaradka.

Balse dadkan cabanaya ee rabshadaha ka dhagay Jigjiga ayaa ku doodaya in ay wali jiraan dad ku jira gacanta maamulka, islamarkaana loo geysanayo tacadiyo kala duwan.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/25/2018 4:23 PM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) – Tababarkan ama Aqoon-is-Weydaarsigan oo ay ka qeyb-gallaan Warbaahinta Dowliga ah, kuwa madax-bannaan iyo culima’uudiin lagu-na baranayay habka wacyi-galinta iyo ka hortaga gudniinka Fircooniga ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Muqdisho.

7/25/2018 2:52 PM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) - Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

7/25/2018 10:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Wararka dheeraad ah ayaa ka soo baxay goor dhaw oo maanta ah dulleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada militari-ga dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Ceelasha Biyaha.

7/25/2018 8:46 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa casho-sharaf ku maamuusay aqoonyahanno, isugu jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo lagu marti-qaaday carwadda caalamiga ah ee bandhigga Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo toddobaadkan laga furay magaaladda Hargeysa.

7/25/2018 8:29 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hindaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa markii ugu horeysay sheegay in aysan jirin Jaamacad ay aqoosan tahay Wasaaraadiisa, xitaa marka lagu duro Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed oo hoos-tagta dowladda Soomaaliya.

7/25/2018 7:31 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Michael Keating oo wada-hadal gaar ah ay yeesheen.

7/25/2018 7:07 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.

7/25/2018 5:39 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG uu abuurayo guddiga dhaqaalaha Qaranka.

7/25/2018 2:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Kooxda dab damiska dalka Gariiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay goob kayn ah ay imika koradhay.

7/25/2018 1:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

7/25/2018 12:56 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)-Labo dhalinyaro Soomaali ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Africa sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa.