3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furay Shirka Caalamiga ah ee Waxbarashada Sare

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Waxbarashada iyo Qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha Qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

 

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa shir-gudoomiyay kulankii labaad oo looga hadlayo qorshaha horumarinta hawlaha dekadda Muqdisho kaas oo daba socday go’aankii guddiga amniga Qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/24/2018 1:13 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

7/24/2018 1:05 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxa ay weerareen xarun shirkadda....

7/24/2018 11:04 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.

7/24/2018 4:19 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.

7/24/2018 3:59 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL)–Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/24/2018 3:42 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL) – Laacib-ka reer Jarmal ee lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa sheegay in uusan ka sii mid ahaan doonin oo uu isaga baxay xulka Qaranka ee Jarmalka, sababo la xiriira in uu la kulmay naceyb iyo waliba cunsuri-nimo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu la kulmay madaxweynaha Turkiga.

7/24/2018 1:48 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka war-helay in xilka laga qaadayo.

7/24/2018 1:20 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii shalay Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

7/24/2018 12:43 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Kulan looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.

7/24/2018 12:29 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen sarakiil ka tirsan Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.