4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Ninkii ka danbeeyay toogashadii Toronto oo magaciisa la shaaciyay

 

Talaado, july, 24, 2018 (HOL)–Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Qeybta baarita gaarka ah ee Ontario ayaa ku sheegtay magaca Ninkan toogashada geystay Faisal Hussain, 29 jir ahaan, iyaga oo sheegay in sababta magacan u sheeciyeen tahay kaddib markii ay ogaadeen xaaladaha gaarka ah ee dhacdadan la xiriira.

Gabar 10 jir ah iyo qof kale oo dumar ah oo da’deeda lagu sheegay 18 sano ayaa geeriyooday kaddib markii Ninkan Faisal Hussain uu rasaas ku furay goob mashquul badan degmada Greektown ee magaalada Toronto.

Qoyska Ninkan magaciisa ay shaaciyeen saraakiisha Booliiska ayaa ku tilmaamay tallaabo xun waxa uu ku kacay wiilkooda, iyaga oo tacsi u diray ehelada dadkii wax yeelladu ka soo gaartay weerarka.

Canada sidan oo kale marar badan oo hore waxaa sidan oo kale ka dhacay weeraro toogasho toos ah loo adeegsaday, waxaana inta badan weerarradani yihiin kuwo lagu beegsado meelaha mashquulka badan ee dadku kulmaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]