3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii cuslaa ee shalay ka dhacay Baar-Sanguuni

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii shalay Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sii war-hayeen lagu-na jabiyay xoogaggii weerarka soo qaaday oo markii hore ku bilaabay weeraarkooda gadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

“Guul- darro weyn ayeey kala kulmeen Al-shabaab dagaalkii shalay ka dhacay Baar-Sanguuni wali-na ciidamada oo iskaashanaya waxaa ay ku raad joogaan firxadka kooxihii weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.’’

Aadan Isaaq Cali oo ah ku-simaha xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii shalay ee Baar-Sanguuni lagu dilay 87 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland u suurta-gashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta saldhigyadii lagu dagaalamay, taasoo macnaheedu noqonyo in Al-shabaab markii hore u suurtagashay in ay qabsadaan saldhig-yada ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Al-shabaab dhinacooda Afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhigay Baar-Sanguuni.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/24/2018 1:13 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

7/24/2018 1:05 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxa ay weerareen xarun shirkadda....

7/24/2018 11:04 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.

7/24/2018 8:39 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

7/24/2018 4:19 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.

7/24/2018 3:59 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL)–Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/24/2018 3:42 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL) – Laacib-ka reer Jarmal ee lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa sheegay in uusan ka sii mid ahaan doonin oo uu isaga baxay xulka Qaranka ee Jarmalka, sababo la xiriira in uu la kulmay naceyb iyo waliba cunsuri-nimo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu la kulmay madaxweynaha Turkiga.

7/24/2018 1:48 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka war-helay in xilka laga qaadayo.

7/24/2018 12:43 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Kulan looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.

7/24/2018 12:29 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen sarakiil ka tirsan Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.