4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen sarakiil ka tirsan Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Xusseen Maxamed [Eelaay] ayaa waa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab, laakiin ma uusan sheegin magacyada saraakiisha uu sheegay in la dilay.

Deegaannada Koonfur Galbeed waxaa  ku xooggan oo qeyb badan oo ka mid ah wali maamula oo gacanta ku haya Al-shabaab oo weeraro joogta ah ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala deegaannada Bay iyo Bakool.

Dhinaca kalana maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab ee Gobolka Baay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]