4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2018
Ururka Cilmi baadhista Soomaaliyeed oo shirkoodii maanta uga furmay Jaamacadda Hargeysa


Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Ururka Cilmi Baadhista Soomaaliyeed (SSIA) ayaa shirkiisii 13aad maanta uga furmay jaamacadda Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan boqol iyo konton aqoonyahan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi.

Shirkan cilmi baadhista Soomaalidda ayaa markii labaad lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigi doonaa lixdan daraasadood oo soomaalida laga qoray, waxa kale oo lagaga doodi doonaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrimaha qurbo joogta iyo qodobo badan oo kale.

Shirkan cilmi baadhista Soomaaliyeed ayaa saddexdii sannaba mar la qabtaa, waxaanay Jaamacadda Hargeysa ugu bushaaraysay in jaamacadda dhexdeedda ay xafiis ka siinayso ururkan.

“maadaama oo warbixino kala duwan laga soo jeedinayo oo dhinacyo kala duwan taabanysa waa in la isku dul qaado oo dhinacyada ay taaban karto u dulqaataan waayo Soomaalidu waxay tidhaahda maan rag waa muducyo afkeed waa la is khilaafayaa, waxaana soo jeedinayaa inay wax badan ka soo baxaan oo laga faa’iido shirkan”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Professor Maxamed Yuusuf Muuse

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo isagu shirkan furey ayaa sheegay in shirkani noqonayo shirkii 2aad ee Hargeysa lagu qabto, waxa kale oo uu xusay in dalal kala duwan lagu qabtay shirkan cilmi baadhista Soomaaliyeed.

“Waxa jooga 25 dal oo aduunka ah, waana fariin caalamka loo dirayo inay Somaliland tahay mid madax banaan oo nabadgalyo ah, ka soo qaybgalayaaash ajanabiga ah waxaan doonaya inay caalamka naga gaadhsiiyaan inay Somaliland nabad tahay oo wakhti walba la soconayo”ayuu yidhi Guri-barwaaqo.

Wasiirku waxaa uu intaas raaciyey in ka soo qaybgalayaashu yihiin 150 aqoonyahan oo iskugu jira  soomaali iyo ajanabi.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay aqoonyano badan, kuwaas oo ku dheeraadda cilmi baadhista Soomaalidda oo ay tilmaameen in dhinacyo badan wax laga qorey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.