4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Cayayaan dhibaato ku haya degmada Xuddun oo khasaare geystay

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL)-Malaayiin cayaankan ah ayaa ku foofa gur-yaha magaalada Xuddun kaas oo wixii uu soo gaadhaba baabiinaya.

Dadaalo badan oo laysku deyay in wax lagaga qabto ayaa lagu guul-daraystay, waxaana dadka degaanku sheegayaan in uu qasaare laxaadleh u geystey guud ahaan magaalada gaar ahaana goobaha ganacsatada.

"Wax ka badan kun xabo ayaa gurigayga ku nool maalin kastana waa kordhayaa weliba aniga oo dagaal kula jira, dhar ma noola, waraaqo iyo bugaag waa ku daayeeb, waxaan ku leeyahay waxuu dhaafayaa ma jiraan" sidaa waxaa HOL u sheegay Maxamuud Axmed Aadan oo bare ka ah degsiga Hoose dhexe ee Xuddun.

Maryan Axmed oo meherad yar ku haysata magaalada ayaa waxaa ay ii sheegay in dhibaatada u daran ee haysataa ay tahay lacagta Noodhka ah oo bahalkani uu markaaba cunayo, waxaana dhacda in 100,000 uu half habeen laasto.

Mustafe Cali Faarax ayaan kula kulmay meel lagu iibiyo dawada xoolaha isagoo sunta Dhibta ka iibsanaya waxaanu ii sheegay in uu kula dagaalamayo Jiriqaaga, waxaana weydiiyey qaabka uu u adeegsanayo, "Naafto iyo Suntan ayaan isku darayaa waanna ku tijaabinayaa in Illaahay nagaga kexeeyo, ayuu yidhi Mustafe.

Cayaankan ayaa ah kii ugu badnaa ee abid lagu arko deegaan-kan xitaa bay yidhaaheen Ayaxa ka farabadan oo waxaa dhacda dhagax miyiga yaala hadaad rogto in aad aragto boqolaal ku hoos gabanaya.

Ma jirto cid isku hawshay sidii wax looga qaban lahaa marka laga reebo dadaal shaqsi shaqsi ah oo ay dadka degaanku wadaan kaas oo keeni kara qasaare nafeed oo ay sababaan sunta la adeegsanayo darteed.

Seynab Cabdi Warsame
Xuddun G. Sool