4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 87 dagaalyahan oo ka trisanaa Al-shabaab

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar culus oo Aroornimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in ciidamada oo ka foojignaa weerarkan horey-na uga sii war hayay halkaa ku dileen sida uu hadalka u dhigay 87 dagaalyahan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Weerarka ayuu sheegay in uu ku bilaawday labo  Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, iyadoo intaa kadib-na uu bilaawday iska horimaad toos ah oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Laakiin Al-shabaab dhinacooda waxaa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray,

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya deegaanka Baar-Sanguuni ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo rogaal celis ah u suurtagashay in ay dib ula wareegaan goobihii lagu dagaalamay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]