3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Dowladda Soomaaliya oo burburisay xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sabtidii aynu soo dhaafnay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku bur-buriyeen saldhigyo iyo shabakad isku xiran oo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Qoryooley.

Maxamed Maxamuud Guutale oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa u sheegay warbaahinta ku hadashay afka dowladda Soomaaliya in howlgal  Qorsheysnaa ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ay ku xooganaayeen Al-shabaab halkaana ku bur-buriyeen  hub iyo saanad intaba.

‘’Howlgal Sabtidii dhacay ayaa ku bur burinay Shakabad Al-shabaab ay halkan ku lahaayeen [Qoryooley] sidoo kale intii uu howlgalku socday waxaan qabanay xubno iyaga ka tirsan, ‘’ ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidamada dowladda.

Laakiin wax faah faahin kama uusan bixin tirada xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee lagu qabtay howlgalka iyo haddii uu jiro khasaare dhinacooda soo gaaray intaba.

Al-shabaab ayaa lagu eedeynayaa in ay bur buriyeen Buundo muhiim u aheyd isku xirka gobolka intiisa kale iyo degmada Qoryooley kaddib markii ay miino ku xireen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/23/2018 12:55 PM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo baxay warka ku saabsan in Daaqa Daahir Nuur oo 10 sano jir aheyd ugu geeriyootay gobollada dhexe dhiig-bax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay, ayaa waxaa sii xoogeystay dhaq-dhaqaaqa iyo Ololaha ka dhanka ah sidii loo joojin lahaa dhaqanka ku dhax faafay bulshada ee gudniinka darran ee Gabdhaha.

7/23/2018 9:16 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Ururka Cilmi Baadhista Soomaaliyeed (SSIA) ayaa shirkiisii 13aad maanta uga furmay jaamacadda Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan boqol iyo konton aqoonyahan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi.

7/23/2018 8:48 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Malaayiin cayaankan ah ayaa ku foofa gur-yaha magaalada Xuddun kaas oo wixii uu soo gaadhaba baabiinaya.

7/23/2018 8:31 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar culus oo Aroornimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.

7/23/2018 3:31 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah lagu tuuray Markab taagnaa xeebta degmada Baraawe oo sida la sheegay sahay u siday ciidamada AMISOM ee deegaanka ka howlgala.

7/23/2018 3:26 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (GOL) –Deegaankan oo qiyaastii 54 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo oo ay saaka aroortii saacad kahor xilligii salaadda subax la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa saaka dib u qabsaday ciidamada dowlad federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

7/23/2018 2:45 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Labo ruux oo ay ka mid tahay qof dumar ah ayaa dhintay ilaa 13 rux kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

7/23/2018 1:50 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar culus oo subaxnimadii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig militari oo ku yaala deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo ku dileen 27 Askari.

7/23/2018 1:27 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Xoogagga Al-shabaab ayaa subaxnimdii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland ku lahayeen deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo.

7/23/2018 12:41 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)-Ilaa Lix ruux oo Kalluumeysato Soomaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen xeebaha Puntland kaddib markii ay degtay Dooni ay wateen sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.