Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo maanta booqasho ku tagay magaalada
Gaalkacyo ayaa ammaanay nabadgalyada ka jirta xarunta gobolka Mudug.
Wuxuu sheegay in ay wax-badan iska
badaleen ammaanka Gaalkacyo, isagoo warbaahinta kula hadlay saldhigga Booliska
ee Shabeel oo xarun u ah ciidammada isku dhafka ah ee ka howlgalla magaalada
Gaalkacyo , oo tan iyo howlgalkooda xasillooni ku soo dabaaley xarunta gobolka
Mudug.
"Laba sanno ka hor mar aan imid
Gaalkacyo, la iima ogolaan inaa soo dhaafo dhismaha gegida diyaaradaha, arrimo
ammaani awgood, maanta na waxaan dhex marayaa bartamaha magaalada... waxaana u
imid ayaa ah maanta inan ka gudbo xariiqinta garaan, wayna dhacday taas."
ayuu yiri Michael Keating oo inta ku daray Qaramada Midoobay inay
xoojineyso taageerrada ciidamada isku dhafka, wuxuuna u mahadceliyay maamullada
Puntland iyo Galmudug ee wadajirka uga taliya Gaalkacyo.
Keating , waxaa socdaalka ku
waheliyay saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay iyo Taliyaha ciidamada
Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo dhankiisa
ballan-qaaday taliska booliska inuu taageerrayo ciidamada isku-dhafka, waxaana
inta kaddib ay wadajir kulama kula qaateen koonfurta Gaalkacyo xubno ka socday
bulshada qeybaheeda ee labada dhinac oo ay kula dardaarmen sidii nabadgalyada
looga shaqeyn lahaa.
Iman Jama,Hiiraan Online