4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Boqor Burhaan " Oromada ha- ogaadan sidda Soomaaliya loogu soo dhaweeyay'

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Boqor Burhan Boqor Muuse, ayaa goor dhow ku baaqay in laga qeyb-qaato siddii loo joojin lahaa colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuu caddeeyay dhibaatada ay la kulmayaan Soomaalida in ay tahay wax aan indhaha laga qabsan karin.

" Oromada halkan Soomaaliya waa lugu soo dhaweeyay nolal wanagsan ayayna heystaan.. waxaanse u sheegeyna in ay gaarsiiyaan farrinta ah inay Oromada ka waan-tooban dilka ay u geysanayaan dadka Soomaalida." ayuu yiri Boqor Burhaan oo ka hadlayay gogol nabadeed oo uu ugu fidiyay magaalada Qardho labo beelood oo degga gobolka Bari.

Colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, ayaa xoogeysatey toddobadyadii u dambeeyay , waxaana dagaallo dhexmarey ku dhintey dad badan oo Soomaali ah,iyadoo boqollaal kalana ay ka baracakeen colaadda.

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin gaaraysa 1,400 km.Labadan qowmiyadood ayaa inta badan ku dagaallama dhulka iyo kheyraadkiisa, gaar ahaan dhulka ay xoolohu daaqaan.

Iman Jama, Hiiraan Online