4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Wakiilka Qaramada Midoobey iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhaw gaaray taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.

Danjiraha a Qaramada Midoobay iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidamada isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michael Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidamada isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]