Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Kulan looga hadlayay dhibaatada hablaha
Soomaaliyeed uu ku hayo gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay xarunta Xalane ee
magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed
Cali Daahir in dowladdu sharci adag ka soo saari doonto arinta ku saabsan
gudniinka fircooniga.
Maalmihii
ugu danbeeyay waxaa warbaahinta iyo guud ahaanba mushtamaca Soomaaliyeed siweyn
u hadal hayeen Gabar 10 sano jir ah gobollada dhexe ugu geeriyootay dhiig-bax
ay ka dhashay gudniin lagu sameeyay, taasoo ay siweyn uga naxeen bulshada intii
warkasi uu soo gaaray.
Xeer
ilaaliyaha ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya iyo Baarlamaanka ay kala
hadli doonaan soo saarista sharciyo adag si dhaqan gal ay u noqdaan sharciyaas.
Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa dhinacooda
sheegay in ficilkan gudniinka fricooniga ah uusnan raad ku laheyn shareecada
Islaam-ka, hasse ahaatee uu iska yahay oo kaliya dhaqan soo jireen ah oo fool
xun kuna dhax faafay bulshada dhaxdeeda, waxaana ay ka digeen in lagu dhaqaaqo
tallaabo aan shareecada waafaqsaneyn.
Gudniinka ayaa dhinac kasta marka la eego
caafimaad ahaan dhibaato weyn ku haya hablaha Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa ay
dhibaatada ugu weyn maraan xiliyada caadada [Dhiiga –Xeydka} Guurka iyo waqtiga
foosha intaba.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]