4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Hay’adda Amoud Foundation oo War ka soo saartay duufaannadii kol hore ku dhuftay Somaliland

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Hay’adda ayaa sheegtay in tan iyo baaqii Madaxweyne-ku-xigeen Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ee gurmadka duufaantii SAGAR ee sida daran u halakaysay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Awdal, ay hay’dda samo-falka ee Amoud Foundation in ka badan 2834 qoys (23,000 oo ruux) gaarsiisay raashin bil ah iyo hoy la dhisto.

Waxaa taas garab socday taakulooyin badan oo ay gaadhsiiyeen dawladdaJSL, ururro wadani ah, ururo caalami ah iyo ganacsato, iyada oo ay taas jirto, haddana saamayntii iyo raadkii tabnaa ee duufaanta SAGAR waa wax jira aadna uga muuqada dadka iyo deegaanka.

Sidaas darteed, waxaa ay haayadda Amoud Foundation safar laba maalmood ah oo u kuurgal xaaladeed ah ku soo martay dhammaan afarta degmo ee gobolka Awdal ee Baki, Lughaya, Saylac iyo Boorama. Waxa ay haayaddu si mug leh u soo ogaatay in dhibaato iyo dhulyaalnimo baahsani ka jirto dhammaan afartaas degmo iyo deegaannadda hoos yimaadda. Sidoo kalena, haayaddu iyada oo la tashatay amarna ka heshay Madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa ay gurmadkii u ka dhigtay laba weji oo kala ah: Wejiga Hore Hawlaha Samo-Falka Iyo Weji Labaad Hor-U-Marinta.

Hay’adda ayaa ku baaqday SAMATO-BIXIN DEGDEG AH (EMERGENCY): Waxa jira ayeey tiri biyo yaraan iyo surmi badan; waxaa loo baahan yahay in biyo dhaamis lala gaadho iyo in ceelal degdeg ah loo qodo. Waxa kale oo jira cunno yaraan baahsan; waxaa loo baahan yahay in raashin lala gaadho.

SOO KABASHO & DIB-U-DEJIN (RECOVERY): Waxa duugmay xoolo gaadhaya 65% waxakale oo baaba’ay beerihii badan; waxa loo baahan yahay in la xooleeyo qoysaska xoolo dhaqatada ah iyo in hannaan dib-u-beeris loo sameeyo qoysaska beeralayda ah. Waxa kale oo loo baahan yahay in dib loo dhiso kaabayaashii nolosha sida wadooyinka, ceelasha, dugsiyadda iyo xarunaha caafimaadka.

HOR-U-MARIN (DEVELOPMENT): Waxa burburay dhaqaalihii, dadkuna waxa ay noqdeen ku-tiirsanayaal cid kale; waxa loo baahan yahay in loo abuuro mashaariic maalgelineed dhinacyadda kalluumaysiga, beeraha, macdanta iyo xoolaha. Lagna joojiyo mashaariicda fadhi-ku-cunka ah ee baraya caajiska iyo matabcadenimada.

ISKU-XIDHNAAN (COORDINATION): Waxa jira gurmad badan oo aan wada socon ama aan iska warqabin; waxa haboon in la abuuro guddida isku xidha taakulaynta iyo in la xoojiyo tayadda iyo taagta guddida heer qaran ee la tacaalista masiibooyinka.

Dhanka kale, haayadda Amoud Foundation waxa ay bogaadinaysaa kaalintii iyo dedaalkii ay sameeyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka SL, Gudoomiyaha gobolka Awdal, haayaddaha caalamiga ah, haayaddaha waddaniga ah, shirkadaha ganacsiga, iyo Guddida Abaaraha ee Gobolka Awdal.

Guntii iyo gebogebodii, hay'adda Amoud Foundation waxaa ay soo dhawaynaysaa cid wal oo waxqabad wadda waxa ayna dhiirinaysaa dardargelinta hawlaha samofalka iyo mashaariicda horumarinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]