4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in shirkii Brussels Soomaaliya loogu deeqay 1.2 billion oo Euro

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii Brussels ee Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareysa dalka Soomaliya iyo wafuud ka kala soctay beesha caalamka.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen in ay Somalia ku yaboohayaan 1.2 billion oo Euro ah.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in ay soo dhaweynayaan hadalkii ka soo yeeray ee uu shirka ka dhax sheegay danjiraha Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg ee ahaa in Imaaraadka ay ka go’an tahay taageerida dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta Somalia.

Soomaaliya iyo Imaaraadka waayadii ugu danbeeyayba xiriirkoodu ma wanaagsaneyn, hasse ahaatee waxaa muuqata in markan Imaaraadku doonayo in uu soo celiyo cilaaqaadkii labada dowladood.

Dawladda Somaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka ay ku raacsan tahay dhismaha nabada gobolka iyada oo taas la eegayo, ayaa dawladda Somalia sheegtay, in ay soo dhaweynayso fursad kasta oo lagu horumarin karo agendahan istaraatiijiga ah.

Shirka Brussels ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in si toos ah markan kaalamada dhaqaale ee caalamku ku deeqo loogu shubi doono Bankiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo uu jiro doono daba-gal xoog leh oo la xiriira sida loo isticmaalayo dhaqallahaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]