4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Soomaali ku xayiran deegaanka Guji ee Ismaamulka Qowmiyada Oromada

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL) - Tiro ka badan 200 oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Guji ee dhulka Ismaamulka Qowmiyada Oromada, halkaa oo ay gabaad ka dhigteen.

Qaar ka mid ah haweenka Soomaalida ah ee ku xayiran saldhiggan ayaa la sheegay in ay halkaa ku umuleen iyaga oo aan halin wax daryeel ah.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan heysin meel kale oo ay u ciirsadaan, islamarkaana haddii ay dibeda uga baxaan xerada ay dili doonaan dad ka soo jeeda Qowmiyada Oromada.

Xerada ay ku jiraan ayeey ku sheegeen in ay ka jirto dhibaato caafimaad darro oo aad u weyn, iyadoo dadka halkaa gabaadka ka dhiganaya isugu jiraan ,Carruur, Haween iyo waayeel intaba.

Dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa loogu baaqay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu fara-galiso colaada labada Qowmiyadood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]