Muuse Biixi oo ka soo horjeestay tagistii Feysal Cali Waraabe ee shirkii Brussels
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii Soomaaliya loogu qabtay
Brussels iyo sababta ay Somaliland uga maqnayd.
“Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya,
iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu
isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxaa ay doonayeen inay u arkaan inay
Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa
la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo
adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu
go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo
Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin,
ma qaadanayno san-dareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u
hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii
joogay.”ayuu yidhi Biixi
Waxaa kale oo uu ka hadlay kulankii uu gudoomiyaha
xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdilaahi Farmaajo, waxaanu yidhi “Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay,
ayaa waxa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu
tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo
ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya
oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,”
Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxaa u sheegay in
bisha March 2019-ka la qabanayo doorashaddii golaha wakiiladda iyo deegaanka,
isago xusay in labadda gole ay muddo dhaafeen duruufo jiro awgeed,isago ku
adkeeyey in aanay xal noqon Karin inay iska sii fadhiyaan, haseyeeshee waxa
arrintaasi shalay ka hadlay xisbiga WADANI oo sheegay in Komishanka doorashooyinka
la bedelo hadii kale aanay doorashadda ka qaybgali doonin, taas oo ah caqabad
weyn oo hadii aan xal loo helin mar kale dib u ridi karta mudadii
doorashada lagu qabanayey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland