Hargeysa oo maanta laga furey bandhiga buugaagta ee Hargeisa International Book Bair
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Magaalada Hargeysa
waxa saaka ka furmay bandhiga buugaagta ee Hargeysa Internetional
Book Fair oo sanad kasta bishan oo kale lagu qabto magaaladda Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kamid ahaa marti sharaftii ka
qayb-galay bandhiga furitaanka carwada buuggaagta ee Hargeysa International
Book Fair.
“ Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inuu furan
yahay badhiga Hargaysa International Book Fair, hawshani waxay qiimo weyn u
leedahay dalkeena, intaasoo qof oo dalal kala duwan ka yimi ayaa jooga waxay
markhaati ka yihiin in Somaliland tahay dal cagihiisa ku taagan oo tashaday,
dad badan ayaa maanta baranaya Somaliland waxa ay tahay nabad-galyada iyo
dimuqraadiyadda ka jirta.”ayuu yidhi Saylici.
Sidoo kale, waxa iyaguna ka qaybgallay marti
sharaf ka kala yimid caalamka,kuwaas oo toddobaadka uu socdo barnaamijyo kala
duwan daadihin doonna.
Waxa kale oo lagu soo bandhigay buugaag cusub oo
sanadkii hore ku jirin, kuwaas oo dhallinyaraddu intooda badan xiiseynayey,
waxaana sanad kasta dhalinyaro badani soo daabacaan buugaag ay iyagu hal
abuureen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.