Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa
maanta markii ugu horeysay u fariisatay dacwad ka dhan ah xubin ka tirsan
ururka Daacish lana sheegay in uu u qaabilsanaa duubista muuqaallada xiliyada
ay xubnaha ka tirsan kooxda fulinayaan howlgalada qorsheysan sida dilalka iyo
qaraxyada.
Ugu horreyn-ba waxaa loo jeediyay eedda ay soo
diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo
qaatay Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin
gacant ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel
boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano
boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey
aheyd 18/04/2018.
Guddoomiayah Maxkamadda Darajada 1aad
ee ciidamada qalabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay
Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen
xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka
mid ahaanshiyaha Daacish iyo Al-Shabaab balse isku deygiisii ugu horreeyay la
soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.
Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo
diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo
qaatay Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin
gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel
boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano
boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey
aheyd 18/04/2018.
Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee
ciidamada qalabka sida G sare Xasan Cali Shuute ayaa weydiiyay
Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen
xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka
mid ahaanshiyaha Daacish iyo Al-Shabaab balse isku deygiisii ugu horreeyay la
soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]