Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax
lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay
degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.
Dadka gaarigan la socday ayaa la sheegay in ay
ahaayeen Dad isku Qoys ah, waxaana goobta ku dhintay qofkii waday gaariga.
Gaariga oo ahaa nooca Fielder waxaa saarnaa oo la socday saddex ruux oo isku Qoys ah oo uu ka mid ahaa marxuumka dhintay, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa ka mid aheyd Hooyadii oo la saarneyd gaariga.
Ninka ku dhintay Qaraxa ayaa lagu sheegay magaciisa Fu’aad Saleebaan Jaamac,waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn loo xoojiyay
amniga magaalada Muqdisho Isgoys walba-na waxaad ku arkeysaa ciidamo baritaano
ku hayay gaadiid dadweynaha, laakiin haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali
qarax-yada iyo dilalku yihiin kuwo sii socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]