4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2018
Golaha Deegaanka Minneapolis oo Qaraar ka soo Saaray Colaadaha Somalida & Oromada & R/Wasaare Abiy oo Minnesota iman Doona.VIDEO

Sabti,21,July,2018 (HOL) Arimaha Dagaaladda kajira dagaanadda Soomaalida Iyo Oromada ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa Qaraar ka soo saaray Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, qaraarkan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Ethiopia ee uu hogaamiyo R/wasaare Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida  iyo Oromada ee wadanka Ethiopia, sidoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka  labada qowmiyadood taa soo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan wadanka Itoobiya.

Qaraarka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli la filayo inuu magaalada Minneapolis booqasho ku yimaado Raysul-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed horaanta bisha dhalanaysa ee ogoosto.Qaraarka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli la filayo inuu magaalada Minneapolis booqasho ku yimaado Raysul-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed horaanta bisha dhalanaysa ee ogoosto.Qaraarka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli la filayo inuu magaalada Minneapolis booqasho ku yimaado Raysul-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed horaanta bisha dhalanaysa ee ogoosto.


Cabdi Warsame oo ah xubin  ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis oo isagu qaraarkan horkeenay Golaha ,xaafada laga soo doortana ay daganyihiin labada qoomiyadood ayuu HOL u sheegay waxa ugu way nee qaraarkaan golaha u keena ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Nafta ,hantida  ,loona joojin lahaa dagaalada ka jira dagaankaas,kana codsanayaan R/Wasaare Abiy in arintaan oo xooga saaro. 

Cabdi Warsame ayaa sheegay in waxgaradka labada qoomiyadood ee deegaankiisa ay ka wada hadleen sidii dowladda Ethiopia iyo hogaankeeda cusub ba loogu codsan lahaa lahaa inay xoogga saaraan in dagaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.


Dhamaan xubnaha dagaanka ee Minneapolis ayaa soo dhaweeyey Baaqan , iyadoo sidoo kale uu golaha hadal kooban ka jeediyey Siyad Cali oo ka tirsan golaha Waxbarashada ee Minneapolis Siyad waxuu sheegay in qoomiyadaha Oromada & Soomaalida ay yihiin dad walaalo ah qariniyaal dagaan ka dhaxeeyey loona baahan yahay in wada hadal dagdag loo furo lana xaliyo mushkiladda jirta.

R/Wasare Abiy ayaa booqasho gaaban ku imaan doona dalkaan Maraykanka iyo waliba gobolka Minnesota isagoo khudbad ka jeedin doona garoonka kubadda kolayga ugu wayn ee Target Center maalinta bishaan July ay 30 ka tahay ,sida la filaayona ka hadli doono arimahaan iyo siyaasadiisa isbadlka wayn ku sameeyey itoobiya iyo qaasatan bariga Afrika.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]