3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Qarax dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Wararka xiligan naga soo gaaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay Qarax loogu xiray gaari yar oo ay saarnaayeen saddex ruux, meel aan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa darawalkii gaariga waday, sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray dad kale oo la saarnaa gaariga oo ay Dumar ka mid ahaayeen.

Lama oga waxa ay ahaayeen dadkan qaraxa gaariga loogu soo xiray, hasse ahaatee waxaa goobta tagay oo bilaabay baaritaanno saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Magaalada Muqdisho ma’aha wax ku cusub qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu soo xiro gawaarida waxaa-na inta badan lagu bartilmaameedsadaa shaqaalaha dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/21/2018 4:14 PM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in 30 bishan July booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

7/21/2018 2:28 PM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi xileed ku saabsan.

7/21/2018 11:10 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels iyo sababta ay Somaliland uga maqnayd.

7/21/2018 10:35 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Magaalada Hargeysa waxa saaka ka furmay bandhiga buugaagta ee Hargeysa Internetional Book Fair oo sanad kasta bishan oo kale lagu qabto magaaladda Hargeysa.

7/21/2018 10:26 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Miinadan ayay saraakiisha nabadsugidda Jubbaland sheegeen in ay ku guuleystaan in ay si nabad ah uga furan gaariga Miino loogu xiray C/laahi Sheekh Cabdi oo ahaa shaqsi hore uga tirsanaan jiray Shabaab, balse kasoo goostay, kana mid ahaa bulshada reer Kismaayo.

7/21/2018 9:59 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay u fariisatay dacwad ka dhan ah xubin ka tirsan ururka Daacish lana sheegay in uu u qaabilsanaa duubista muuqaallada xiliyada ay xubnaha ka tirsan kooxda fulinayaan howlgalada qorsheysan sida dilalka iyo qaraxyada.

7/21/2018 7:14 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Sagaal ruux oo ka soo jeeday hal Qoys oo kaliya ayaa la sheegay ka mid ahaayeen dad gaaraya 17 ruux oo ku dhintay Doon lagu dalxiiso oo ku qallibantay haro ku taalla gobolka Missouri ee dalka Mareykanka,sida ay shaaciyeen saraakiil ku sugan halkaasi.

7/21/2018 4:35 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

7/21/2018 2:50 AM EST
Qaraarka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli la filayo inuu magaalada Minneapolis booqasho ku yimaado Raysul-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed horaanta bisha dhalanaysa ee ogoosto.

7/21/2018 2:38 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in Doon sida 160 ay ku degtay xeebaha Badda Shadwa ee Koonfur dalkaasi Yemen, sida laga soo xigtay hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo hay’addaha Amniga deegaankaas.

7/21/2018 12:43 AM EST
Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - War ay soo saareen golaha deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo uu ku saxiixnaa duqa magaalada Jacob Frey ayaa loogu baaqay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabto colaada ka dhax taagan Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.