Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo
gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen
magaalada Beledweyne Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali.
Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in rag ku
hubeysnaa bastoolado ku dileen marxuum-ka goobtiisa ganacsi xaafadda Kooshin,
gaar ahaan laanta Cilmi Loos.
Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay ganacsadaha, hasse
ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa ergo wax ka soo dooratay
mid ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Ragga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ma jirto ilaa
iyo hadda sheegatay dilka marxuum-ka.
Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay bartilmaameedsan
doonaan dhamaanba ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyaga oo
horay u sheegtay in ay ka danbeeyeen dilal horey loogu geystay shaqsiyaad ka
mid ahaa ergooyinkii kala duwanaa ee gobollada dalka ku soo doortay
xildhibaannada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]