4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Urur la sheegay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Liiiska Argagixisada lagu diray Ururka Jamaactu Al Hijra oo sida warbixinta lagu sheegay ka howlgala dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Mareykanka ayaa sheegay in kooxda sanadkii 2008-dii lagu ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ay ka mid yihiin xiriir dhaw-na la leeyihii UrurkaAl Shabaab.

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxdan gacan geystaan askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Mareykanka ayaa talaabadan uu qaaday ku micneeyay in la takooro ururadaasi Argagixisada ah iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]