Dowladda Britain oo qalab ku kacaya 5.6 million ugu deeqday howlgalka midowga Africa AMISOM
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo.
Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka cagafta
nooca xamuulka, cagaf-cagafta, nooca cagafta afka gadaal ku leh iyo kuwa horey
ku leh, gawaarida alaabta baabur kale loogu wareejiyo, gaadiidka xamuulka, iyo
kuwa kale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa Qaybta Koowaad, Labaad iyo Shanaad
iyo Qaybta Xoojinta Hawlgalka ee saldhiggeedu tahay Muqdisho.
David Concar safiirka Britain ee
Soomaaliya , ayaa markii uu qalabka wareejinayay maalintii Sabtida waxaa uu
sheegay in dowladdiisa ay ku faraxsan tahay in ay AMISOM kala shaqeyso
dadaalladeeda ay ku dooneyso in ay xasiliso Soomaaliya, ayna nabad iyo amni
waara ka dhaliso dalka.
“Waxa aan maanta sameyneyno, in aan qalab qiimahooda lagu qiyaaso 5.6 milyan
oo baund in aan wareejinno, waxaan rajeyneynaa in ay si weyn gacan ka siiyaan
AMISOM in ay nadiifiyaan waddooyinka, waddooyinka muhiimka ah iyo in ay sii
wadaan xasilinta Soomaaliya, iyo in la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, xilli
ay awooddooda sii kobceyso,” ayuu yiri Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya
Soomaaliya.
Concar ayaa uga mahadnaqay ciidamada
nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada deeqay dadaalka ay geliyeen in ay
xaqiijiyaan in ay Soomaaliya hesho xasillooni.
“Waan idin kaga mahadcelineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo
waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan
ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay
Safiirka Ingiriiska.
Asaga oo la wareegayo 49-ka makiinado o oculus, ayaa Taliyaha Ciidamada
AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, sheegay in qalabkan ay wax
badan tari doonaan xilligaan oo ay ciidamada ku dadaalayaan in ay Al-Shabaab ka
saaraan meelaha muhiimka ah oo ay wali gacanta ku haayaan.
“Waan uga mahadcelineynaa dowladda Ingiriiska taageerrada sida ay noogu
taageertay qalabkan lagu xoojiyo ciidamada,” ayuu yiri Sarreeye Guud
Owoyesigire.
Taliyaha Qaybta Koowaad, Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo qaabilay 14-ka
makiinado oo loogu deeqay ayaa ballan-qaaday in uu si wanaagsan u adeegsan
doono qalabka si loogu guuleysto hannaanka kala-guurka.
“Waan garaneynaa qalabka, waan wanaajin karnaa awooddeenna dhinaca
hawlgallada sidoo kale waxa ay nag caawin doonaan, anaga oo la kaashaneyno
Soomaalida, in aan ku guuleysanno wajiga koobaad ee kala-guurka.
Marka laga soo gudbo qaybta koowaad, 12 makiinado ayaa loogu deeqi doonaa
Qaybta 2, Qaybta shanaand (12) iyo Qaybta Xoojinta Halwgalka (11).
Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa uu meelmariyay in
si tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada AMISOM, isla markana mas’uuliyadaha
amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]