4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL) –Ilaa saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw oo maanta ah ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda ruux ee dhaawaca soo gaaray Labo ka mid ah ahaayeen dadkii wadada marayay, halka qof kalena uu saarnaa gaariga qarxay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin ruuxa watay gaariga qaraxa lagu xiray waxa uu qaban jiray iyo cidda uu ka tirsanaa.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray ciidamada Miini baarista iyo ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday ruuxigii gaariga watay iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

Ma’aha wax ku cusub magaalada Muqdisho qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu soo xiro gadiidka, horay waxaa qaraxyadan ugu geeriyooday xubno ka tirsan dowladda iyo dad kale oo siweyn bulshda uga dhax muuqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]