3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdiggii ka socday dalka Jabuuti ee ka qeybgalay xuska 1da Luulyo

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Kulanka waxaa kaloo joogay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/2/2018 4:33 PM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Ururka Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.

7/2/2018 11:28 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL) – Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.

7/2/2018 9:38 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo.

7/2/2018 9:25 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Shirkan oo uu shir gudoominayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ahaa shirkii billaha ahaa ee golaha amniga Jubbland, waxaana ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubbaland, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, saraakiil ka kala socotay howlgalka AMISOM iyo kan Mareeykanka ee Soomaaliya.

7/2/2018 9:03 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Deegaannada Puntland, waxaa la jaangooyay qiimaha safirka doollar oo muddooyinkii dambe sare u kacay,waxaana lugu amray ganacsatada iyo sarif la-yaasha inaysan diddii karin lacagta shillinka Soomaaliga.

7/2/2018 7:15 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Ilaa saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw oo maanta ah ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

7/2/2018 3:08 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Faah faaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka mid ka mid Darawalada ku shaqeysta gadiidka yar yare ee Mooto Bajaajka oo subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku toogtay degmada Hodan.

7/2/2018 3:00 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

7/2/2018 12:58 AM EST
Isniin,July, 02, 2018 (HOL)–Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah dagaalamayaasha Ururka.