4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xassan Xamza.

Kulanka guddoomiyaha iyo safiirka sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qadar iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

” Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]