Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khudbad ka hor
jeediyay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaa oo ka
soconaya magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka
Khudbadda madaxweynaha :
Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta halkan ku
suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka
loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro soo-kabasho dhaqaale, iyadoo loo
marayo hannaan maalgelin oo casri ah.
Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh
dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga,
shaqo-abuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.
Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha
caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo
leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay
uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.
Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka
ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya.
Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada
asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan.
Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo
saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub.
Sidaas oo
ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee
muhiimka ah, si loo kordhiyo wax-soo saarka iyo fursadaha dhaqaale.
Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid
laf-dhabar u ah horumarka iyo dib-u-soo-kabashada dalka.
Waxaa naga go’an in aan
noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan
maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u
guuleystaan.
Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna
waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid
dhaqaale.
Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa
yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.
Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore,
waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay
Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana
dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.
Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala
dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la
kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey
siyaasad-dejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in
dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan
dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.
Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu
ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo hal-abuurkooda, si ganacsiga
gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya.
Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo
uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.
Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu
qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli
ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah
ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.
Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha
iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in
badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo
suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.
Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay
kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga
saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la
wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah,
si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu
biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta
iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga
faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku
rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada
caalamiga ah.
Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin
maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa
aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii
wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa
xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.
Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga
gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay
aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.
Waa in aan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay
jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.
Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay
da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka
faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.
Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo
saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]