4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
Shirka Brussels oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo

 

Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Kulanka ayaa wajigiisa labaad lagu wadaa in uu noqdo mid u dhaxeyn doona madaxda beesha caalamka iyo ka qeybgalaya shirka oo uu ka mid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in ay wada shir guddoomiyaan Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden halkaa Wajigii hore ee shalay shir guddoomiyeen Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.

Shirkan ayaa guud ahaan lagu lafa-gurayaa xaalada Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen dhinacyada, Siyaasadda, Amniga, iyo waliba Dhaqaalaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]