4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Siyaasi Buubaa oo ka hadlay kulan gaar ah oo uu la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) - Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in shan qodob ka wada hadleen.

“Maalin dhaweyd madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waanu is aragnay arrimo badan waanu ka wada hadalnay, qodobada ka wada hadalnay waxay ahaayeen shan qodob oo kala ah.

1- Isbaddalka Itoobiya,2- Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya,3- Xaaladda Tukaraq,4- Xaaladda Ceel-Afwayn,5- Shirkii Beesha Garxajis, su’aaluhu waxay ka imanayeen madaxweynaha anigana jawaabo ayey u badnaayeen.”ayuu yidhi Buubaa oo ka hadlayey shir ay wada galeen isaga iyo madaxweyne Biixi.

“Madaxweynaha waanu isla soo qaadnay in aan dawlada Somaliland dagaal rabin, waxaanu iga dalbaday in aan gaadhsiiyo beesha Majeerteen ee reer puntland oo aan dad badan ka aqaano in loo sheego in aanan dagaal iyo dhibaato la rabin ee arrimaha la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal, dadkii aan u sheegayna way soo dhoweeyeen wayna ila qaateen waana ku gudda jiraa”ayuu hadalkiisa raaciyey. 

Sidoo kale, waxa la waydiiyey inay ka wada hadleen khilaafkii mudadda dheer ka dhexeeyey isaga iyo madaxweynaha inay ka wada hadleen iyo in kale, waxaanu sheegay in wakhtigi halganka iyo intii dib loo soo noqday ay jireen inay arrimo badan ku kala aragti duwanaayeen, balse aanay jirin imika wax dhexdoodda yaalla oo xurguf ah, haseyeeshee loo baahan yahay in hore loo sii socdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.