4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Shirkii xaalada Soomaaliya ee Brussels oo goor dhaw furmay

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya iyo wax-yaabihii u qabsoomay dowladda hadda jirta.

Shirkan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona wax-yaabihii ka hergalay shirkii horey loogu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa shir kuwada sugan, waxaana sidoo kale shirka qeyb ka ah maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiya shirkan iyo qodobada la filayo in ay ka soo baxaan, isaga oo dhinaca kalana sheegay in madaxda dowladda ka qeyb-galayaasha shirka la wadaagi doonaan hormarada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo guulaha ay ku tallaabsatay sida uu hadalka u dhigay dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]