4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Shirkii Gacan Libaax oo Columbus laga Taageeray


Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa taageero buuxda u muujiyay shirka aayo ka tashiga ee dhawaan ka dhacay deegaanka Gacan libaax

Shirkan oo ay Beelaha Garxajis ee Soomaaliland isugu yimaadeen ayaa ujeedadadiisa lagu sheegay raadinta xal waara iyo nabad ku wada noolaansho laga hirgaliyo Somaliland iyada oo la marayo hanaan awood qeybsi siman oo ay yeeshaan dhamaan dadka dega halkaasi.

Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa ka walaacsan xaalada siyaasadeed ee dalkooda iyo hadii aan la helin isku tanaasul ay caqabad ku noqon karto Somaliland horusocodkeeda.

Aqoonayahankii ka hadlay shirka Columbus waxa ay cadeeyeen in Shirkii ka dhacay gacan Libaax aanu ahayn mid lagu duminayo ama lagu wiiqayo Somaliland balse u yahay mid lagu dajinayo xalna looga gaarayo mushkiladaha taagan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayay ugu baaqeen in uu ka faaiideysto fursada uu haysto oo ah in uu dadka isku soo dhaweeyo isla markaana tago deegaanada ay xiisaduhu ka jiraan.

Waxay ka codsadeen in uu la yimaado siyaasad furfuran oo dadka oo dhan harsan karaan una sameeyo turiimo shacabka iyo dalka si ay u helaan wixii ay mudo ku taamayeen.

Waxaa jira xubno ka kala yimid gobolo fog fog oo mareykanka ah si ay qeyb uga noqdaan is-badalka dalkooda loo raadinayo.

Shirka Gacan Libaax oo noqday mid soo jiitay indhaha dad baddan waxaa ku kulmay Beelaha Garxajis oo ka shirayay sida ay sheegeen jaha wareer siyaasadeed oo dalka soo wajahay.

Gabi ahaan dadkii ka hadlay ayaa ahaa kuwo aad u taageersanaa shirkaasi iyo qodobadii ka soo baxay.

Deeqo SONNA