4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Xulka Franca oo markii Labaad ku guuleystay Koobka Aduunka

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL)- Waxaa goor dhaw soo dhamaatay cayaar aad u weyn oo siweyn isha loogu wadda hayay lugtii ugu danbeysa tartanka cayaaraha Kubadda Cagta Aduunka.

Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay markii labaad koobka adduunka kaddib markii uu uga badiyay xulka Croatia 4-2 ciyaartii kama dambaysta ahayd ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Sanadkii 1998dii ayay xulka Faransiiska markii ugu horeysay ku guuleystay koobka adduunka iyadoo tababaraha xulka Faransiiska ee xilligan Didier Deschamps  uu ahaa kabtankii labaatan sano kahor hogaaminayay xulka Faransiiska.

Xulka Croatia ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 69-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mario Mandzukic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/4.

 Laakiin Xulka Croatia ayaa kaalinta labaad galay markii ugu horeysay iyadoo  kaalinta 3aad xulka Belgiumka uu galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]