4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Wasaaradaha kalluumeysiga dowlad goboleedyada oo uu shir uga furmay Kismaayo
Axad, July, 15, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen wasiirada wasaaradaha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa daahfuray ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan.

Wasiirada heer dowlad goboleed ee wasaaradaha Kalluumeysiga ee shirka kasoo qeybgalay ayaa sheegay in shirkoodu ku saabsanyahay sidii la isu kaashan lahaa islamarkaana looga faa’iideeysan lahaa kheyraadka badda.

Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda dhexe qeyb kama ahayn shirka, mana jirin wakiillo matalayay dowladda oo shirka goobjoog ka ahaa.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda dowlad goboleedka Jubbaland oo martigelisay shirka Mudane Ibraahim Xasan Cabdi (Baajuun) ayaa  warbaahinta u sheegay in shirkoodani yahay mid la doonayo in iskaashi dhab ah uu ku dhexmaro wasaaradaha kalluumeysiga heer dowlad goboleed, isagoo xusay in khayraadka badaheenna aan hadda laga faa’iideeysan.

Waxa uu xusay in shirkani uu yahay mid ay si gaar ah isugu arkayaan wasaaradaha kalluumeysiga dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in shirku qaadan doono mudo laba maalmood ah.

Ma cadda sababta ay shirkan uga soo qeybgali weeysay wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee dowladda dhexe, haseyeeshee mudooyinkii u danbeeyay waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay wasaaradaha kalluumeysiga heer federal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo hore ay qaar kamid ah wasaaraduhu walaac uga muujiyeen hannaanka bixinta shatiyada kalluumeysi ee wasaaradda kalluumeysiga dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.