Hirshabeelle iyo Puntland oo ka wada hadlay sii deynta dhalinyaro ku xir xiran deegaannada Puntland
Axad, July, 15, 2018
(HOL)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad gobolleedka
Hirshabeelle Maxamed Caruush Diiroow oo
magaalada Garoowe kulan kula qaatay mas’uuliyiinta maamul gobolledka Puntland
gaar ahaan madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.
Agaasimaha ayaa
sheegay in madaxweynaha iyo guud ahaanba mas’uuliyiinta maamul gobolleedka
Puntland ka wad hadleen xiriirka labada maamul iyo kan gobolka Hiiraan, isaga
oo intaa ku darray n si gaar ah ay uga wad hadlleen sii deynta dhalinyaro soo
jeeda gobolka Hiiraan oo ku xir xiran qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.
‘’Waxaan ka wada
hadalnay mas’uuliyiinta Puntland sidii loo sii deyn lahaa dhalinyaro ku xir
xiran qeybo ka mid ah Puntland, kuwaa oo qaarkood xiray shil dhacay halka kuwa
kalana u xiran yihiin gadiid ay la socdeen oo Qaraxyo lagu soo raray’’ ayuu
yiri agaasimaha.
Sii deynta
dhalinyaradan ayuu sheegay in ay isku afgarteen mas’uuliyiinta dowlad
gobolleedka Puntland, islamarkaana hadda meel wanaagsan wax u marayaan.
Dhinaca kale waxaa
uu sheegay in Puntland ay gaarsiiyeen mahad celin uga timid Jaaliyada
Hirshabeelle ee ku dhaqan sida uu hadalka u dhigay Waqooyiga Ameerica kuwaa uga
mahad celiyay maamulka iyo shacabka reer Puntland sidii ay isku garab taageen
dadka ku magaalada Beledweyne waqtiyadii adkaan fatahaadu ku dhufatay, iyaga oo
noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaabay sidii loo gargaari lahaa dadkii
ku barakacay daadadka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]