4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Caalamka oo cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL) – Dowladdaha Caalamka iyo Ururro Caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qarax-yadii shalay lagu weeraray Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dowladdaha Carabta, kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu ku soo aaday xilli Amniga caasimadda uu soo hagaagaayay.

Waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay wax-yeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo weerar toos ah shalay ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.

Ku dhawaad Lix qof oo Isugu jira Askar , Kooxdii Weerarka soo qaaday iyo dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Qaraxyadii iyo weeraraddii Shalay ayaa ku soo beegmay xilli inta badan ay xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]