4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Qaraxyadii ka dhacay shalay Muqdisho

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay weerarkii iyo Qaraxyadii shalay Al-Shabaab  ay ku qaadeen Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si weyn u cambaaraynayso weerarkaasi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska,Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka hortaggeen Weerarkaasi.

“Ciidamada Amniga Qaranka, waxaa ay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba Qarax” ayuu yiri Wasiir Daahir.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo Weerar toos ah shalay ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]