Hay’adda TIKA dib u habeyn iyo qalabeyn ku sameysay xarunta ururka shaqaalaha ee FESTU
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Dowlada
Turkiga ayaa shalay ku wareejisay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee
FESTU dhismaha ururka oo qalabeysan ka soo hay’ada dowlada Turkiga u qaabilsan
dhinaca horumarinta ee loo yaqaano TIKA ay ka fulisay dalka.
Ururka FESTU oo taageero ka helaya ururka
shaqaalaha dalka Turkiga ee HAK-IS aya waxaa qalabeyn buuxda loogu sameeyay
xafiisyada xarunta FESTU iyo goobaha ay ku shirayaan madaxda iyo xubnaha
ururarada shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku mideysan daladda FESTU.
Safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya Olgan
Bekar oo ka qeyb galay xafladii furitaanka ee xarunta FESTU ayaa sheegay in
dowlada Turkiga ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay ka taageerto FESTU dhinaca
awoodsiinta si loo helo urur shaqaale oo ka tarjumaya danaha iyo xuquuqda
shaqaalaha Soomaaliyeed.
Danjire Olgan Bekar ayaa bogaadiyay wada
shaqeynta guusha kusoo dhamaatay ee ka dhaxeyso TIKA iyo FESTU taasoo sababtay
in si dhaqso ah oo guul ah loo fuliyo mashruucan. Safiirka ayaa sheegay in
dowlada Turkiga ay ku dadaaleyso in ay xoojiso wada shaqeynta ka dhaxeyso FESTU
iyo ururka shaqaalaha Turkiga.
Xoghayaha Guud ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan
ayaa dowlada Turkiga ugu mahadceliyay sida daacada ah ee ay u garab istaageen
ururada shaqaalaha Soomaaliyeed. “Xaruntan waxay noqoneysaa goob ay ka howl
galaan difaacayaasha iyo matalayaasha danaha shaqaalaha si loogu sahlo ururada
shaqaalaha in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Cumar Faaruuq.
Xafladii lagu furayay xarunta cusub ee FESTU ayaa
waxaa sidoo kale ka hadlay xiriiryaha hay’ada TIKA Galip Yilmaz oo tusaaleeyay
in hay’ada TIKA ay aad ugu faraxsan tahay in ay dib u habeyn iyo qalabeyn ku
sameyso xarunta ururka FESTU oo ay mataanaha yihiin ururka shaqaalaha Turkiga
ee HAK-IS.
Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa
masuuliyiinta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha
bulshada ee dowlada federaalka Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan oo
sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku faraxsan tahay taageerada ay u muujisay
dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ayna soo dhaweynayaan
horumar kasta oo ay gaaraan ururada bulshada gaar ahaan ururada shaqaalaha.
Ururka shaqaalaha Turkiga ee HAK-IS iyo FESTU
ayaa ah laba urur mataana ah oo ka wada tirsan ururka caalamiga ah ee ururada
shaqaalaha Adduunka ee ITUC, waxaana ay in badan ka wada shaqeeyaan sidii loo
hormarin lahaa danaha ururada shaqaalaha ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo
kan ururada shaqaalaha ee Afrika.
FESTU oo ka mid bahda sedax geesoodka ee Hay’adda
shaqada adduunka ee ILO ayaa ah dalad ay ku mideysan yihiin 12 urur shaqaale oo
ka dhisan dalka gudahiisa kuwaas oo u taagan u hiilinta iyo difacitaanka
xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta danaha ururada shaqaalaha Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]