4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Gudoomiyaha xisbiga UCID oo sheegay inuu Qalbi dhagax ku casuumayo Somaliland

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) –Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Hargeysa ku casuumi doonno Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo dhowaan laga soo daayey xabsiga Itoobiya.

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu soo celin doonno xidhiidhkii walaaltinimo ee u dhexeeyey Soomaalidda itoobiya iyo Somaliland, waxaanu eedeeyey madaxweynaha kililka shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo uu sheegay inuu hortaggo cadaaladda, taas oo kala cadaynaysa inuu dambi galay iyo in kale.

“Waxaanu soo celinaynaa xidhiidhkii iyo biriijkii ka dhexeeyey Soomaalidda Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu jecelnahay in aanu halkanku casuuno Qalbi dhagax ee Madaxda Muqdisho u dhiibtay cadowga, waxaan caado u ahaan jirin soomaalida in aan cadow la isku dhiibo, sidii aanu Bilo Rifle u casuunay baanu u casuumaynaa, soonaha shanaad soomaalinimo lagu difaaci karaa ee qabiil laguma difaaci karo.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, waxa uu gudoomiyuhu soo dhoweeyey nabadeynta ka socota Ceel Afweyn, waxaanu sheegay in labaddii beeleed ee dirirtu dhexmartay si fiican ula shaqaynayso ergooyinka joogo deegaanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, , Somaliland.