4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2018
Faah faahin ku saabsan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah oo kuwaa oo durnimadii maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta Nabada.

Wariyayaal tagay goobta ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay arkeen meydadka rag ku labisnaa dareyska ciidamada laakiin loo maleynayo in ay ahaayeen dabley Qaraxyada kaddib iska horimaad uu dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan Lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerarka geystay ayaa ku dhintay Qaraxyadan  sida laga soo xigtay goob joogayaal.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa yaala Barkoontarool oo laga ilaaliyo amaanka madaxtooyada Soomaaliya, waxaan labada Qarax kaddib la maqlay rasaas xooggan oo u muuqatay in ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa imanaya Labo cisho uun kaddib markii uu weerar ku bilaawday Qaraxyo sidan oo kale lagu bartilmaameedsaday Isgoyska Siyadka gaar ahaan xaruta Wasaarraddaha arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay gudaha u galleen rag hubeysan waxaa weerarkaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaalle dowladeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]